New president holds first meeting with Federal States leaders
khilaafka joogtada ah ee ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku keeni karto jadwalka doorashada iyo habsami socodkiisa, ayaa ah walaaca ay QM ka qabto Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya- Wakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xaaladda guud ee Soomaaliya ay xilligan ku sugan tahay warbixin ka siiyay, xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.
khilaafka joogtada ah ee ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku keeni karto jadwalka doorashada iyo habsami socodkiisa, ayaa ah walaaca ay QM ka qabto Soomaaliya.
Dhianacyada is haya ayay ka dalbadeen inay is xakameeyaan, iyagoo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida guud ahaan Soomaaliya
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa u jeediyay dhinacyada inay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal dan u ah Soomaaliya iyo inay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay kuna dhacda muddadii loo asteeyay iyo si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka ku booriyay inay hubiyaan in wixii khilaaf siyaasadeed ah aysan ka leexin tallaabooyinka mideysan ee ka dhan ah la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments