Golaha Midowga Musharaxiinta oo kulan deg-deg ah qabtay

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020/2021 ayaa shir deg-deg ah isugu yimid maanta magaalada Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
Golaha Midowga Musharaxiinta oo kulan deg-deg ah qabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020/21 ayaa maanta isugu yimid shir deg-deg ah kaasoo looga aarinsanayay xaaladaha cusub ee soo kordhay, taasoo ay ugu horreyso dhacdadii shalay lagula kacay dhallinyaro dareenkooda soo bandhigayay ee lagu kala ceeriyay rasaasta, sidoo kalena lagu xir-xiray gabdho.

Hoggaamiyaha Golaha oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin caburinta lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna madaxda dowladda kula dar-daarmay in ay ka fiirsato falalka gurracan ee lagu hor istaagayo soo gudbinta dareenka Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shariif Sheekh Axmed ayaa ciidamada dowladda federaalka ugu baaqay in ay sharciga ilaaliyaan, islamarkaana aan si qaldan loogu adeegsan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee ay mus’uuliyadda amnigooda qaadeen kuna dhaarteen in ay dhowraan.

Shalay ayey ahayd markii sarkaal dhar-cad ah oo ka tirsan NISA uu isku dayay in uu kala ceeriyo gabdho iyo wiilal dhallinyaro ah kuwaasoo soo bandhigayay dareenkooda ay ku diidan yihiin nidaamka Farmaajo ee aas-aaska au ah caburinta iyo handadaadda.

Todobaadkii hore ayaa sidaas oo kale dhallinyaro dhigayay bannaan-bax ka dhan ah Famaajo waxaa loo adeegsaday rasaas, iyadoo goobtaasina ay yimaadeen kooxo hubeysan oo go'aansaday in ay difaacaan shacabka, waxaana halkaa ka qarxay iska hor imaad daqiiqado socday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.