Golaha Shacabka BJFS oo berri kulan yeelanaya

Golaha Shacabka Baarlamakanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulan xasaasi ah kaasoo uu horay u codsaday madaxweyne Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Golaha Shacabka BJFS oo berri kulan yeelanaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka ee BJFS ayaa shaaciyay inuu berri qabsoomayo kulankii uu ka codsaday madaxweyne Farmaajo  Golaha Shacabka BJFS kaddib markii uu soo dhammaado wadahadallada ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

War qoraala oo kooban ayaa lagu shaaciyay bartooda gaarka ah ee Facebook -ga "Beri oo Sabti ah oo ay Tar 06 February, waxaa jira Kulan Gaar ah oo Madaxweynaha JFS soo codsaday"
 ayaa lagu yiri qoraalka.

Ajandaha looga hadlayo ayaa lagu sheegay in ay tahay in madaxweynuhu uu ka warbixiyo Xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, inkastoo madaxweyne Farmaajo madaxdii dowlad goboleedyada ee ku shirsanaa Dhuusamareeb aysan weli soo saarin wax natiijo ah oo ku saabsan shirka.

Ismari waa siyaasadeed ayaa ka taagan madaxda ku shirsan Duusamareeb, iyadoo xalay shirkii uu ka maqnaa madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, balse maanta oo Jimce ah ayuu dib u furmay shirka, waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo caawa, si madaxda ka qeyb galaysa ay dib ugu laabtaan halkii ay ka kala yimaadee.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.