Golaha Shacabka oo u kala jabay labo garab

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigiisu dhamaaday ayaa sheegay in ay dhawaan dooranayaan guddoomiye cusub si ay howl-maalmeedka u sii wadaan, inta laga helayo, Baarlamaan badala midka hadda jira ee muddadiisii sharciga ahayd ka dhamaatay.

Warar Keydmedia Online
Golaha Shacabka oo u kala jabay labo garab

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah 15 xildhibaan oo shalay Maxamed Mursal uu sheegay in laga ganaaxay ka qeyb galka shanta kulan ee soo socata ee Golaha Shacabka ayaa cod dheer ku sheegay in aysan jirin sharci Mursal u ogolaanaya inuu ganaax soo rogo xilligaan.

“Waan aragnay waraaqda ka soo baxaday Guddoomiyhii hore ee Baarlamaanka, wax kulan ah oo nalaga mamnuucayna ma jiro, Guddoomiyuhu, sac baqtiyay ayuu doonayaa inuu caano ka maalo isaga iyo guddooomiye ku xigeynka labaad Mahad Cawad, warkooduna macno ma sameynayo”. Ayuu yiri Xildhibaan Xiddig.

Cabdirashiid Maxamed Xiddig, wuxuu sheegay in waxa ay hor taagan yihiin uu yahay muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha Dowladda iyadoo la adeegsanyo waddo sharci darro ah, taasna cid ku dhacda aysan jirin, iyaguna aqbali doonin.

Wuxuu Farmaajo ku eedeeyay inuu doonayo inuu fashiliyo shirka Wada tashiga qaran, isla markaana uu Guddoonka Baarlamaanka kula heshiiyay in ay muddada u kordhiyaan.

Xildhibaan Xiddig, wuxuu si cad u sheegay in Golaha Shacabka uuu xirmi doono sida uu u xiran yahay Golaha Aqalka Sare, haddii la isku dayo in la meel mariyo wax ka soo hor jeeda sharciga.

Isagoo ka hadlayay haddii goluhu ku adkeysto go’aankiisa ayuu sheegay in ay dooran doonaan Guddoomiye cusub, “Inaguna shirkeenna ayaan qabsaneynaa guddoomiye ayaan dooraneynaa shaqo ayaan qabaneynaa.”  Ayuu yiri Xiddig.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.