Gollaha Shacabka oo meelmariyey sharciyo muhiim ah

Xildhibaannada golaha shacabka oo sharciyaddooda ay dhammaatay ayaa maalmahan dambe waxay si ismootis ah ku meelmarinayaan sharciyo aad u muhiim ah.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Shacabka oo meelmariyey sharciyo muhiim ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaannada Gollaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxay meelmariyeen heshiiska Qaramada Midoobay.

Kulanka maanta ayaa waxaa shir guddoominayey, Mahad Cabdalla Cawad oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa waxa ay akhrinta Koowaad marsiiyeen Seddaxda heshiis ee kala ah Midowga Africa, Carabta, ka hortagga musuqa iyo sidoo kale waxay akhrinta Labaad marsiiyeen hey'adaha aan dowliga ahayn (NGO) iyo akhrinta Labaad ee hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Ugu dambeyn, Xildhibaannada ayaa meelmariyey heshiisyada QM, AU, Carabta iyo la dagaalanka musuqa, waxaana u codeeyey 145 mudane.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Arrimaha Garsoorka XFS Abdulkadir Mohamed Nu r(Jaamac) ayaa Ansixinta Kadib u mahadceliyey Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Xildhibaannada Gollaha Shacabka oo sharciyaddooda ay dhammaatay ayaa maalmahan dambe waxay si ismootis ah ku meelmarinayaan sharciyo aad u muhiim ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.