Barlamaanka oo Farmaajo u sameeyay muddo kordhin

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu sameeyay muddo kordhin labo sano ah.

Warar Keydmedia Online
Barlamaanka oo Farmaajo u sameeyay muddo kordhin

MUQDISHO, Soomaaliya – Kulan sida la rumeysan yahay aan helin tirada rasmiga ah ee ay ku furmaan kulamda Golaha Shacabka, ayaa maanta muddada xil heyntiisa loogu dheereeyay Madaxweynaha waqtigisii sharciga ahaa dhamaaday ee Farmaajo.

Ajande ay soo diyaareen Fahad, Farmaaajo, Roobe iyo Mursal, oo loo so dhiibay 57 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa la keenay baarlamaanka, waxaana la laalay heshiiskii 17-kii September 2020, lagu gaaray Muqdisho, iyadoo dib loo soo celiyay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka.

“Waxaan guddoonsannay, si waafaqsan, qodobka 47aad ee Dastuurka, oo siinaya Golaha Shacabka, soo saaridda shuruuc gaar ah, oo quseeya nidaamka Doorashiiyinka iyo Xisbiyada, in Goluhu soo saaro qodobadaan masiiriga ah oo dalka u jaheynaya doorasho Dastuuri ah oo ku qotonta qodobka 64aad.”

Qodobka 4-aad ee baaqa uu maanta meel mariyay Golaha Shacabka, waxaa lagu sheegay in Goluhu qaatay, Xulashada Nuuca diiwaan galinta ‘Biometric’ si waafaqsan warbixiintii Xaliimo Yarey, ka hor jeedisay Baarlamaanka 27 Juun 2020.

Sida ku cad, qodobka 5-aad, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka dalka ayaa awood loo siiyay qabashada doorasho toos ah, oo lagu hirgalinayo muddo labo  sano ah, taas oo ka dhigan in si toos ah loo laalay heshiiskii doorashooyinka dadban ee hore loo gaaray.

Xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee Dowladda ayaa lagu amray in ay hirgalinta doorashiiyinka uga danbeeyaan, Guddiga Madaxa bannan ee dooraashooyinka.

Qaraarkaan muddada lagu kordhinayay ayaa helay ansixinta, gacan tag dhan 149 Xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, waxaa diiday Saddex Xildhibaan halka uu hal qura ka aamusay.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ayaa cod baahiyaha ka sheegay in xarunta ay ku dhex jireen ciidamo dhar cad ah, oo ka baxsan ilaalada Xarunta hoolka shirarka ee Baarlamaanka.

Labo sano Farmaajo

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa maanta yeelatay waji kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaana meel mariyay baaq lagu laalay heshiiskii doorashada ee September 2020, lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya.

Meel marinta qaraar, wuxuu meesha ka saarayaa Guddigii doorashada dadban ee uu dhamaadkii sanadkii hore magacaabay sii-hayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusen Rooble, wuxuuna dib usoo celinayaa Gudiga Doorashada Madaxa Bannaan, ee ay hoggaamiso Xaliimo Ismaaciil ‘Yarey’.

Qaraarkan, maanta la ansixiay, oo ka yimid Madaxtoyada ayaa ha’adaha muddadu ka dhamaatay ee Sharci dajinta iyo Fulinta u ogolaanaya in ay sii shaqeeyaan muddo labo sano ah, taas oo la micno ah in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu Golaha Shacabku u ogolaaday inuu ku sii fadhio kursiga.

Hadaba Maxaa ka dhalan kara xil kororsigaan?

Madaxweymaha Waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, oo dhowr jeer si ula kac uga istaagay shirar looga dooday xal u helidda hannaanka doorashooyinka dalka ayaa muddo kordhintaan ka dhigan doona garab iyo gaashaan, si uu u diido wada hadallo kale oo dhawaan uu la yeesho Madaxda kale ee Soomaaliya.

Waxaa fashilmi kara wada hadallada ay Madaxweynayaasha Maamulladu u joogaan Muqdisho iyo shrarka Wakiillada beesha Caalamku soo qaban qaabiyeen, waxaana suura gal ah in qeyb ka mid ah Madaxda Maamulladu ku laabtaan degaannada ay yimaadeen.

Beesha Caalamka oo hore u sheegtay in aysan aqbali doonin, muddo kordhin, Doorasho cid gooni ah u xiran iyo kuwo is barbar socda ayaa la rajeynayaa in ay si adag uga hadlaan muddo kororsiga ay Madaxtooyadu u martay Baarlamaanka.

Golaha Midowga Murashixiinta oo wixii ay muddo dheer ka digayeen ay ugu danbeyn maanta dhaceen ayaa la filayaa in ay sameeyaan talaabo, ay jawaab uga dhigayaan arrinkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].