Golaha Wadatashiga Qaranka oo caawa yeelanaya kulan xasaasi ah

Mid ka mid ah sababaha horseedday dib u dhaca doorashada Aqalka sare oo maanta loo qorsheeyay in ay billaabato, aya lagu sheegay caqabad ka timid, lacagta is diiwaan galinta ee laga qaadayo musharrixiinta u baratamaya ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Golaha Wadatashiga Qaranka oo caawa yeelanaya kulan xasaasi ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir Madaxeed ay isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hoggaamiyo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa caawa la filayaa in  uu ka dhaco aaladda fogaan aragga ee ZOOM-ka.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi, Madaxweynaha, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, ayaa looga hadli doonaa arrimo la xariira doorashooyinka.

Kulankaan oo daba socda, is maqallo gaar gaar ah oo xalay dhacay, ayaa la isku afgartay in caawa la qabto kulan weyne loo dhan yahay, kaas oo lagu jeexjeexi doono dhowr arrimood oo wali ku hor gudban qabsoomidda doorashooyinka.

Mid ka mid ah sababaha horseedday dib u dhaca doorashada Aqalka sare oo maanta loo qorsheeyay in ay billaabato, aya lagu sheegay caqabad ka timid, lacagta is diiwaan galinta ee laga qaadayo musharrixiinta u baratamaya ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare.

Sida ay sheegayaan xogo muhiim ah, qodobkaas, wuxuu ka mid yahay qodobada caawa miiska saaran ee laga doodi doono, qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Gobollada ayaana codsanaya in lacagta diiwaan galinta labada aqal la simo, taas oo ay hadda u dhaxeyso $10,000.

Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saari doonaa, khilaafka ka dhex aloosan siyaasiyiinta Soomaaliland, oo kulankoodii ugu danbeeyay ay isku yimaadeen labada garab ee guddiga doorashada Somaliland oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed uu kusoo idlaaday fashil.

Habraacyada doorashooyinka ayaa ajandaha ka mid ah, halka si guud, kulanka looga doodi doono dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka sare, taas oo u gogol xaareysa in si guud doorashooyinka oo dhan dib ugu dhacaan.

Sida ku dhigan qodobka 2aad ee jadwalka la soo saaray July 16 2021, 17-ka ilaa 23-ka bishaan, ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweynayaasha Maamullada ay guddiga u gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare, hayeeshee, MW-yaasha Maamullada ayaa ku fashilmay qodobkaas.

Sidoo kale, July 25, 2021, oo maanta ku beegan, ilaa 28-ka, waxaa la qorsheeyay in la gudagalo lana soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Senate-ka, hayeeshee hirgalinta qodobkaas isna waa lagu guuldareystay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.