Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ku kulmaya isbuuca soo socda

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Dowlad goboleedyada shir Golaha Wadatashiga Qaranka isugu imaanayaan Sabtida kaas oo ka dhacaya Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ku kulmaya isbuuca soo socda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Madaxda Maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, u diray casuumaad ay ku imaanayaan magaalada Muqdisho, si la isaga wareysto howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May.

Kulankaan ayaa la isku af-gartay inuu dhaco, kadib markii ay xalay aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka ku wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlayo dardar gelinta doorashada, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha iyo hannaanka ay u dajiyeen doorashada.

Shirkaan ay madaxdu isugu imaaneyso Maqdisho, waxaa lagu magacaabi doonaa Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaas oo degmada Garbahaarey u tagaya xallinta arrinta gobolka Gedo, waxaana ku dhawaaqi doona Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta, sida ku cad heshiiskii 27-Kii May.

Waxaa jira mudnaan la siin doonaa wixii cabasho jira, halka sidoo kale, kulanka la isaga wareysan doono arrimaha HirShabeell, gaar ahaan magaalada Baladweyne.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.