Golaha wakiilada Puntland oo qaadacay muddo kororsiga

Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Puntland ayaa qaadacay gabi ahaanba muddo kororsigii 2-da sano ahaa ee ay sameysteen Golaha Sahcabka BJFS iyo madaxweyne Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Golaha wakiilada Puntland oo qaadacay muddo kororsiga

GAROWE, Soomaaliya - Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Golaha Shacabka BFS ee Wakhtigoodu dhammaaday, Baarlamaanka Puntland ayaa go’aankan ku gaaray ka dib kulan ay warbixin uga dhegaysteen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo ay soo xaadiree 52 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada waxaa Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Guddoomiye Ku-Xigeenadiisa koowaad iyo labaad. Wuxuuna Goluhu cod aqlabiyad ah ku qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Golaha Shacabka BJFS iyo madaxweyne Farmaajo, 49 Mudane ayaa u codeeyay, 1 Mudane ayaa diiday, 2 Mudane ayaa ka aamusay.

Sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Dowlad goboleedka Puntland Jaamac Debaraani "Waxaa weli socon doona la tashiyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland la yeelan doono Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Iyadoo dhawaan Puntland ay soo saari doonto mowqifkeeda ku aaddan muddo kordhinta sharci darada ah ee uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo" 

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay usoo bandhigay in aysan raalli ku noqon doonin muddo kordhinta, waxaana dhanka kale taageeray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo war qoraala oo ay soo saareen ku sheegay in ay la dhacsan yihiin muddo kordhinta Farmaajo loo sameeyay.

Teendhada Xalane waxaa hadda ka socda kulan ay xubnaha wakiilada Beesha Caalamku la leeyihiin madaxweynaha muddo kororsiga sameystay ee Farmaajo, iyadoo la filayo in uu shirkaasi kasoo baxo dib ugu laabashada wada-hadalladii teendhada Afisiyooni. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].