Golaha wasiirada oo ansixiyay guddi cusub

Kulanka todobaad-laha ah ee Golaha Wasiirrada ee maanta dhacay aya lagu ansixiyay guddiyo cusub.

Warar Keydmedia Online
Golaha wasiirada oo ansixiyay guddi cusub

MUQDISHO, Soomaalia - Kulankaan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble ‘Rogone’ ayaa lagu ansixiyey Guddiga sare ee maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed, xubin ka bannaanatay guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka iyo xubin laga saaray guddiga maamulka hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Guddiga sare ee maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed ee manta la ansixiyay ayaa ka kooban Shan xubnood.

Sidoo kale kulankaan waxaa warbixinno amniga dalka la xariira looga dhageystay, wasiirada Amniga iyo gaashaan-dhigga.

Kulankaan waxaa lagu soo hadal qaaday, dilkii loo geystay guddoomiyihii dagmada Hodan oo gaarigiisa rag hubeysan ay rasaas la dhaceen, Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaana wadajir uga tacsiyeyeey geerida guddoomiyiha, waxayna fareen hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale golaha la wadaagtay warbixinnadii ugu danbeeyey ee caabuqa karoona.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.