Golaha Wasiirada oo Xalay kulmay

Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa xalay Shirka gollaha wasiirada uga hadlay bayaanka kasoo baxay Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Warar Keydmedia Online
Golaha Wasiirada oo Xalay kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Guuleed ayaa ka digay in ay beesha Caalamka soo faragaliyaan arimaha Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Midowga Yurub iyo Mareykanka in ay ixtiraamaan madaxbanaanida Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa yiri “Gollaha wasiirada waxay bogaadiyeen taageerada beesha caalamka ay marwalba la garab taagan tahay dowladda federaalka, haddana dhinaca kale waxay gollaha wasiirada ay safiirada iyo dowladaha aan saaxiibka nahay ka codsadeen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, dastuurka iyo go’aamada hey’adaha dastuuriga ee dowladda”

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.