Golaha Amaanka ee QM: Kulan Khaas ah oo looga hadli doono Soomaaliya

New York (KON) - Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta ka shiraya sidii Soomaaliya looga Madax-bananeyn lahaa dhisitaanka Ciidan Qaran iyo sidii Ciidamada Afrika ee AMISOM loogu dalacsiin lahaa kuwo UN.
Warar Keydmedia Online
Golaha Amaanka ee QM: Kulan Khaas ah oo looga hadli doono Soomaaliya

Golaha Amaanka ayaa qabanaya Maanta kulan Khaas ah, waxaana markii ugu horeysay laga Shiri doona sidii looga Caawin lahaa Soomaaliya, Ciidamo Qaranka oo Tayo leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka ka codsatay in Qaramada Midoobay ay bixiso Qarashaka ku baxa Ciidamada sida Shidaalka, Gaadiidka, Hubka ama Cuntada.

Wasiirka Arimaha Dibadda Fawzia Yusuf ayaa ka qeybgaleysa Shirka Golaha Ammaanka, waxeyna Khudbad ka jeedin doonta Fadhiga Golaha Ammaanka, ayadoo ka codsan doonta inay ka taageeraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya (Somali National Army) dhinacyada qalabeynta, maalgelinta iyo tayeynta, si looga dhameystiro baahiyaha iyo tasiilaadka dhinaca Dagaalka.

Gudiga ayaa ka doodaya in la badiyo Ciidamada Amisom ee jooga dalka Soomaaliya laguna soo kordhiyo Ciidan gaaraya 6,235.

Midowga Afrika ayaa dalbaday in ilaa 6,000 oo Askeri lagu soo kordhiyo Ciidammada AMISOM.

Shirkaan ayaa waxa kasoo bixi doona xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya lala damacsan yahay kaasoo laba uun midood noqon doona.

1: Wadan xor ah oo u madax banaan maamulka iyo maareynta arimihiisa

2: Wadan aan xor aheyn oo ay u taliyaan awoodo shisheeye, una baahan inuu dib u xoroobo.

Keydmedia Online - Xafiiska London