Golaha Deegaanka “Waxaan Magacaabeynaa duqa Muqdisho”

Golaha deegaanka xamar oo kulan ku qaatay Magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyay in ay soo dhisi soo dooran doonaan Duqa Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Golaha Deegaanka  “Waxaan Magacaabeynaa duqa Muqdisho”

Gudoomiyaha KMG ah ee golaha deegaanka Ibraahim Cismaan Mursal ayaa daboolka ka qaaday in qorshayaashooda ugu horeeya uu ka mid yahay sidii ay u soo dooran lahaayeen duqa Magaalada Muqdisho.

"Tarsan waxaan u aqoonsanahay gudoomiyaha Gobalka Banaadir, waana xaq in aan soo dooranaa duqa Muqdisho waayo waa jaga banaan misna loo baahan yahay" sidaa waxaa yiri Ibraahim Mursal.

Hadalka ka soo yeeray odayaasha golaha deegaanka Xamar ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dhawaan wareegta uu soo saaray Madaxweyne shariif loogu magacaabay Tarsan inuu yahay gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

www.keydmedia.net