Golaha Wasiirada oo waaxo loo qeybiyay

Muqdisho (keydmedia) R.wasaaraha Xukuumadda KMG ah Max’ed Farmaajo ayaa sheegay in golaha wasiirada loo kala qeybiyay seddex waaxood oo kala qaban doona shaqooyin is weedaarsan.
Warar Keydmedia Online
Golaha Wasiirada oo waaxo loo qeybiyay

Waaxaha golaha wasiirkada look ala qaaday ayaa kala ah, Gudiga Ammaanka oo madax looga dhigay R.wasaare ku xigeen ahna wasiirka Difaaca C.xakiin Fiqi, gudiga dhaqaalaha oo madax looga dhigay R.wasaare ku xigeen ahna wasiirka qorsheynta C.wali Max’ed Cali iyo gudiga siyaasadda iyo wacyigalinta oo madax looga dhigay R.wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda Max’ed Oomaar.

Farmaajo ayaa dhanka kale xusay in golaha wasiirada ay shalay qalinka ku wada duugeen qodobo ku saleysan anshaxa golaha wasiirada looga baahanyahay, isagoona xusay in leysla gartay xeerka anshaxaasi.

Waxaa sidoo kale uu iftiimiyay R.wasaaraha in golaha wasiirada looga baahanyahay in ay ka digtoonaadaan safarada aan ujeedada laheyn ee dibad wareega ah, waxaana uu cadeeyay in wasiir walba oo safraya looga baahanyahay qorsha safar oo cad iyo xiliga uu qaadanayo safarkaasi in lala yimaado.

www.keydmedia.net