Gollaha Adeegga Garsoorka iyo Maamulka Hey’adda Batroolka oo la meel-mariyay

Shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Adeegga Garsoorka iyo Maamulka Hey’adda Batroolka oo la meel-mariyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Khamiis-laha ee Gollaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka dalka.

Xubnaha Goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali CIsmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar

Shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah:

Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye),

Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen),

Ibraahim Axmed Leyte (Xubin),

Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin),

Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin),

Axmed Xaaji Cabdi (Xubin),

Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin) iyo

Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin).

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.