Gollaha Shacabka oo ansixiyay sharci cusub

Sharcigan ayaa ansixintiisa waxay kusoo beegmaysaa xili dalka u diyaar-garoobayo doorashooyin, islamarkaana uu waqtigiisa dhamaadey Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Shacabka oo ansixiyay sharci cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan uu shir gudoomiyayay gudoomiye Mursal, ayay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ku ansixiyeen sharciga Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.

Waxuu kulanka ku furmay 143 Mudane, oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise-sharciyeedka, majirin wax diiday ama ka aamusay. March 2018, Soomaaliya iyo Pakistan waxay kala saxiixdeen heshiis $10.5 milyan oo lagu horumarinayo nidaamka aqoonsiga qaran.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.