Goobaha ganacsiga Galmudug oo irdaha loo laabay

Qaar kamida ganacsiyada degaannada hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug ayaa irdaha loo laabay kaddib sare-kac ku yimid maciishadda quutul-daruuriga ah.

Warar Keydmedia Online
Goobaha ganacsiga Galmudug oo irdaha loo laabay

GURICEEL, Soomaaliya - Magaalada Guriceel ee ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa albaabada loo laabay inta badan goobihii ganacsiga kaddib markii uu sare-kac ku yimid qiimiha maciishadda quutul-daruuriga ah ee la isticmaalo.

Toddobaadkan ma jirin wax gawaari ganacsi ah oo soo gaaray magaalada Guriceel iyo sidoo kale magaalooyinka kale ee Galmudug, arrintani waxay timid kaddib markii la kordhiyay canshuurtii laga qaadi jiray ganacsatada Galmudug iyagoo kala soo daga raashinka dekadda Boosaaso ee dowlad goboleedka Puntland halkaasna lagu canshuuro, ayaa mar kale waxaa lagu canshuura degaannada Galmudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Galmudug ayaa kordhiyay canshuurta gawaarida sidda ganacsiga iyo weliba kuwa dadku u raacaan magaalooyinka kale ee dalka, horay ayey cabasho uga keeneen gawaarida dadka ukala qaadda magaalada Muqdisho iyo Gaalkacyo, waxaana gawaaridaasi oo toddobaadkii hore lagu xiray saldhigga magaalada Dhuusamareeb ay ka cabanayeen qiimaha canshuurta oo la kordhiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.