Goodax Barre “Dowladdu waxay isticmaaleysaa farsamadii Isticmaarka”

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada DF Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay reer Hiiraan ula dhaqantay si aan wanaagsaneen, islamarkaana u isticmaashay Farsamo uu ugu yeeray tii Gumeystaha

Warar Keydmedia Online
Goodax Barre “Dowladdu waxay isticmaaleysaa farsamadii Isticmaarka”

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdullaahi Goodax Barre oo horay u ahaa wasiir saaxiib dhaw la ahaa Madaxweyne Farmaajo balse xilkii wasaaradda ee horay loogu dhiibay loo wareejiyay wasiir kale isagana ka haray xubnihii cusbaa ee Xukuumadda Soomaaliya ee uu soo magacaabay RW Rooble horraantii November 2020 ayaa aad u dhaliilay siyaasadda Farmaajo.

Goodax Barre ayaa ku tilmaamay madaxda dowladda in ay shacabka Hiiraan ula dhaqmeen si ka duwan sidii hore ee loola dhaqmi jiray wuxuuna ku tilmaamay siyaasad ahaan tii laga dhaxlay Gumeystahii dalka gumeysan jiray lixdan sano kahor!

Goodax ayaa yiri “Xaaladda Gobolka Hiiraan waxay gashay marxalad cusub, waxaa muuqata Dowladda Dhexe inay go’aan ku gaartay in ummadda aad loo caburiyo, inay go’aan ku gaareen in la isticmaalo farsamadii uu isticmaarka isticmaali jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa shalay dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu shaqeynin,” 

Goodax ayaa si aada uga soo horjeeda aragtida saaxiibkiisii hore ee siyaasadda Farmaajo, waxaana uu aad uga soo horjeedaa siyaasadda uu madaxweyne Farmaajo ku dhaqayo gobolka Hiiraan, isagoo iska hor keenay dadkii shacabka ahaa, waxa uuna adeegsaday xeelad dadka qaar laga hor keenayo kuwa kale.

Siyaasiyiinta Soomaalida waxaa u caado ah in ay ammaanaan maamulka marka ay iyaga kamid yihiin, hayeeshee markii bannaanka looga saaro aad ayey dhaliilaan, una cambaareeyaan, Goodax Barre ayaa wareysigii labaad siiyay bil gudaheed warbaahinta Hiiraan Online, waxa uuna weerar afka ah ku qaaday siyaasadda Farmaajo, isagoo ku tilmaamay inuu u dhaqmayo sidii Gumeystihii!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.