DF oo Shahaadada Dugsiga Sare u diiday ardayda Puntaland

Dagaalka Siyaasadeed ee dowladda Dhexe iyo Puntland ayaa haatan salka ku hayo arimmaha ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo awood qeybsiga.

Warar Keydmedia Online
DF oo Shahaadada Dugsiga Sare u diiday ardayda Puntaland

Muqdisho, Soomaaliya – Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa u muuqda mid saameeyay waxbarasho, iyadoo dooda Imtixaanka mideysan ay horseeday in arday badan ay Shahaado ku waayaan.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ardayda Puntland aysan sanadkaan heli doonin Shahaadada iyo fursadaha deeqaha waxbarasho, hadii aysan gelin Imtixaanka ay Dowladda qaadayso.

Goodax ayaa sababta ku sheegay in arintaan ay mas'uuliyiin katirsan Puntland siyaasadeynayaan, isagoo hoosta ka xariiqay in waalidiinta ardayda ay badkooda ogolyihiin in caruurtooda ay ka qeybgalaan Imtixaanada dowladda, balse la carqaladeynayo.

“Waalidka iyo Ardayda waxaan hubaa in ay ku qanacsan yihiin Imtixaanka Dowladda Dhexe, balse siyaasiyiinta Puntland waxay siyaasadeynayaan mustaqbalkii ubadka Soomaaliya, iyagoo dano gaar ah ka leh," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Waxbarashadda DF.

Tan iyo 2003-dii, Puntland waxay ku doodaysay in duruusta ay qaataan ardayda degaanada maamulkaas wax ka-barata ay ka duwan yihiin ardayda kale ee Koonfurta, iyadoo taasi keentay inay diidaan in la mideeyo manhajka iyo waxbarashada dalka.

“Puntland uma diyaarsana in ay Ardayda ka qaadaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dowladda Federaalka, Arrintaas ulama jeedno in aan diidanahay u madax banaanida qaadista Imtixaanka, balse waa isku mid guud ahaan Ardayda oo aan bixinta Deeqaha ku qiimeynayo kala sareynta, Sidee ayaan u qiimeynaa Arday aan Imtixaan ka qaadin”? ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Sanadkii hore 2019 sidaan oo kale mar ay dhacday ayuu sheegay wasiir Goodax Barre in ay arintaan soo dhax galeen senator-ad Aqalka Sare ku metela Puntland, sidaasna lagu xaliyay, balse sanadaan aysan muuqdan cid dhex-dhexaadineyso.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sandkii lixaad oo xiriir ah qaadeyso imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare oo markii hore ay qaadi jireen Dalladaha aan dowliga aheyn ee waxbarashada Soomaaliya gacanta ku hayay tan iyo 1991-dii, kuwaas oo ka aas aasmay Koofurta iyo Bartamaha.

Hase yeeshee, sanadkaan waxaa lagu soo kordhiayay ardayda Fasallada Dhexe, kadib markii Wasaaradda Waxbarashada sanadkii la soo dhaafay soo saartay Manhajka buugaagta Fasalada (Standrad 8) una qeybisay Iskuulada.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.