Goorma ayaa RW Rooble la horgeynayaa Golaha Shacabka?

Ra'iisul wasaare Rooble ayaa xusul duub ugu jira sidii ay ku meelmarin lahaayeen Golaha shacabka.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayaa RW Rooble la horgeynayaa Golaha Shacabka?

Ra'iisul wasaaraha magacaaban, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xusul duub ugu jira sidii uu codka kalsoonida kaga heli lahaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Rooble ayaa saacadihii ugu dambeyay la kulmay guddoonka golaha shacabka iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan golahaasi.

Isniinti berrito ah ayaa la filayaa in Ra'iisul wasaare Rooble la horgeeyo golaha shacabka oo codka u qaadi doona.

Haddii uu Rooble helo kalsoonida golaha shacabka, wuxuu degdeg kusoo dhisi doonaa golahiisa cusub ee wasiirada.

Xukuumadda uu dhisi doono Rooble ayaa haysata muddo gaaban oo 4 bil ah, iyadoo waxa ugu badan ee xukuumaddiisa ka shaqeyn doonto tahay arrimaha doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.