Goorma ayay billaaban doontaa doorashadda Aqalka Sare?

Waxaa la filayay inay doorashadda Baarlamaanka si rasmi ah u billaabato 25-ka July, oo shalay ahayd, laakiinse ma dhicin kadib markii lasoo gudbin waayay Musharixiinta.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayay billaaban doontaa doorashadda Aqalka Sare?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Kiki Gbeho, ayaa Maanta shaacisay inay doorashadda Aqalka Sare ay billaaban doonto Todobaadka ugu horeeya ee bisha August 2021.

Hadalkan waxay ka sheegtay shir jaraa'id oo ay isla qabteen Madaxweynaha Puntland Saciid Deni magaaladda Garowe, oo booqasho ay ku joogto, waxayna intaasi ku dartay inay madaxda Maamullada iyo Rooble kawada hadleen dardargelinta doorashadda.

Doorashadda Soomaaliya waxay dib u dhacday markii 3aad, iyadoo loo sababeynaya khilaafka aan dhamaadka lahayn ee ka taagan hanaanka soo xulista Xildhibaanada iyo gudiyadda doorashadda oo qaarkooda la isku haysto.

Caqabadaha ugu waaweyn waxaa kamid ah arinta Gedo iyo Somaliland, oo gudii la dhisay ay isku khilaafsan yihiin xubno saddex ah oo looga soo daray xafiiska Ra'iisul wasaaraha, kuwaasoo uu Cabdi Xaashi diidan yahay, isagoo sheegay inay katirsan yihiin NISA iyo Shaqaalaha dowladda.

Kiki Gbeho oo kasoo jeeda Ghana ayaa loo soo magacaabay xilka ku xigeenka ergayga gaarka Dec 2020, waxayna dedaal ugu jirtaa sidii haweenka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen qoondada 30% kuraasta Baarlamaanka.

Lama hubo inay run noqon doonto hadalkeeda in maalmaha ugu horeeya bisha soo socota ay dhacayso doorashadda, maadaama Rooble uu safar u aaday London, islamarkaana ay istaagayso shaqadii xafiiskiisa ee doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.