Goorma ayuu RW Rooble ku dhawaaqayaa Gollaha Wasiirada?

Macluumaadka ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in 80% Wasiiradda ay noqon doonaan kuwii hore ee ku jiray Xukuumaddii la doortay July 25.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayuu RW Rooble ku dhawaaqayaa Gollaha Wasiirada?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa in 48 saac gudahooda ku dhawaaqo Gollaha Wasiiradda, sida illo xog-ogaal ah ay u sheegeen Keydmedia Online.

Waxaa kasoo muuqan doono Xukuumadda Cusub Wasiiradii hore, maadaama waqti badan uusan u haynin RW Rooble inuu banaanka wax ka keeno.

Wararka KON xafiiska Ra'iisul wasaaraha kasoo gaarey ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Fahad Yaasiin cadaadis ku saareen Rooble inuu soo celiyo Wasiiro dhowr ah, oo lagu xisaabtamayo ololaha dib usoo doorashadda Farmaajo.

Maadaama Xildhibaanno ay Madaxweynaha dooran doonaan, waxuu Fahad Yaasiin wadaa qorsho ah inuu isaga go'aamiyo Xubnaha dawladda ee Gudiga doorashadda, si uu Xildhibaanno badan oo u codeyn doono Farmaajo ugu kusoo daro liiska, isagoo ka bixinaya lacagta doorashadda.

Hanaanka doorashadda ku saleysan 4.5 waxaa lagu tilmaamay midka ugu musuq-maasuqa badan, sababtoo ah odayaal laaluush qaatiyaal ah ayaa soo xulaya ergada dooranaysa Xildhibaanada, oo iyaguna ku xisaabtama lacagta Musharixiinta bixinayaan.

Doorashaddii 2016-2017 kuraasta Baarlamaanka 10aad ayaa lagu iibsaday lacagtii ugu badnayn hal milyan oo dollar, iyadoo Xildhibaanada qaar ay iyagu ergada keensadeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.