Goorma ayuu RW Rooble hortagayaa Baarlamanka?

Xildhibaanada BF ayaa intooda badan la qanciyay, kahor inta uusan Rooble hortagin Gollaha Shacabka, waxaana jira warar sheegaya in Villa Soomaaliya bixisay lacag aad u badan.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayuu RW Rooble hortagayaa Baarlamanka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay Keydmedia Online heshay Xog xaqiiqo ah, oo ku aadan in maainta berri ah, Arbaco, 23-ka September uu Farmaajo Ra'iisul wasaaraha cusub horgeyn doono Gollaha Shacabka, waxayna u badan tahay inuu heli doono codka Kalsoonida.

Tan iyo markii la magacaabey Rooble 17-kii bishan, waxaa socday dedaallo uu wadey Xafiiska Farmaajo, oo taageero loogu raadinayay Ra'iisul wasaaraha, waxayna xogta KON sheegaysaa in Xildhibaanada la siiyay lacag badan.

Codka Xildhibaanka waa iib, waana dhaqan soo jireen ka ahaa dalka tan iyo dowladdii C/qaasim ee lagu soo dhisay Carta sanadkii 2000, iyadoo mar kasta oo wax la ansixinayo ama uu jiro mooshin ay tahay marka ugu fursada fiican mudaniyaasha Baarlamanka.

Kulanka berri wuxuu ka dhici doonaa xarunta Villa Hargeysa oo ku taallo gudaha Villa Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanada loo diray fariimo lagu wargeliyay inay soo xaadiraan, waxaana ajandaha uu yahay kalsooni-siinta RW Rooble.

Rooble ayaa bedelaya Khayre oo 25-kii July xilka looga qaadey Mooshin Farmaajo kasoo shaqeeyay oo 7 daqiiqo lagu meel-mariyay, isagoo iska hor leexiyay Ra'iisul wasaare caqabad ku noqday mudo-korarsigiisa, oo fashilmay maadaama heshiis cusub oo doorasho la galay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.