Goorma ayuu Soomaaliya soo gaarayaa Talaalka COVID-19?

Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay kiisaska cusub oo gaaraya 244 mudo hal maalin gudaheeda ah, waxayna dhimashu gaartay 367 guud ahaan dalka tan iyo sanadkii tagey.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayuu Soomaaliya soo gaarayaa Talaalka COVID-19?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Soomaaliya soo gaari doono talaalkii ugu horeeyay oo looga hortagayo caabuqa COVID-19, oo 367 qof ku dilay dalka mudo sanad ah.

Qeybtii ugu horeysay oo gaareysay saddex boqol oo kun, oo nooca Oxford Astrazeneca ah ayaa kusoo wajahan dalka, waxaana uu qeyb ka yahay 1.2 milyan oo WHO ay sheegtay in Soomaaliya loogu deeqay horaantii sanadkan.

Talaalka AstraZeneca vaccine waxaa sameysay Jaamacadda Oxford ee Ingiriiska, waxaana waxtarkiisa la sheegay inuu yahay 76% inuu ka difaaco qofkii la siiyo, waxaana la qaataa saddexdii biloodba mar.

Waxaa qaadan doono qeybta hore Shaqaalaha Caafimaadka ee daaweeyo bukaanada COVID-19 ee ku yaalla dalka, iyadoo safka labaad ay ku jiraan dadka da'da ah, ee u nugul cudurka.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay kiisaska cusub oo gaaraya 244 mudo hal maalin gudaheeda ah, waxayna dhimashu gaartay 367 guud ahaan dalka tan iyo sanadkii tagey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.