Goos Goos: Dhacdooyinkii u danbeeyay ee Shirka Dhuusamareeb

Qoraalkaan goos gooska ah waxaan kusoo koobeynaa wararka la xariira arrimaha doorashooyinka dalka ee maanta dhacay.

Warar Keydmedia Online
Goos Goos: Dhacdooyinkii u danbeeyay ee Shirka Dhuusamareeb

MUQ/DHUUSAMREEB, Soomaaliya - Kadib markii uu furmay shirkii maanta oo uu ka soo qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gadood uga maqnaa kulankii xalay ayaa la guda galay gorfeeynta arrinta Gedo.

Inkastoo ay adagtahay in macluumaad rasmi ah laga helo Shirka, hadana illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in Farmaajo iyo Madoobe ay labaduba diideen in ay ka tanaasulaan qaddiyaddi uu mid walba Gedo ka lahaa shirka ka hor, waxaa lagu kala booday shirka, wuxuuna ku dhawaday inuu guud ahaan burburo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa go’aansaday inuu la hadlo warbaahinta, Mataxtooyada Jubbaland ayaana sheegatay in Axmed Madoobe ka war bixin doono xaaladaha la isku mari la’yahay.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xooggan ku saartay Axmed Madoobe in uusan hor tagin Warbaaahinta, waxaana la baajiyay Shir Jaraa'idkii uu ku dhawaaqay. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqaday safar uu dib ugu soo laaban lahaa Muqdisho kadib cadaadis uga yimid Beesh Calamka.

Isku so jiid jiid dheer kadib, waxaa la qorsheeyay in dib la isugu soo laabto Caawa 7:00pm xilliga geeska Afrika, mana suura galin oo Madaxweynayaasha Jabbaland iyo Puntland ayaa xilligii ballanta soo xaadirin.

Qoorqoor ayaa wada isku day uu madaxda shirka ka maqan ku keenayo si wada hadaladu usii socdaan.

Guddoonka Aqalka sare ayaa sheegay in uusan jirin kulan lagu soo war galiyay inuu la yeelanayo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana aysan qeyb ka ahayn kulanka uu Farmaajo codsaday.

Qeyb ka mid ah Sanatarada Aqalka Sare ayaa ka hor yimid warbixintii Guddoonka Aqalka Sare waxaa ayna Sheegeen in ay ka qeyb galayaan kulanka Farmaajo hor tagayo Baarlamaanka haddii uu qabsoomo.

Waxaa galabta soo baxay war sheegaya in Beesha Caalamku ay isku dayayso dib u dhigidda kulanka uu Farmajo la yeelanayo Baarlamaanka.

Xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo garab ka helaya Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasiin ayaa caawa Muqdisho ka wada olole la isugu duba-radayo Xildhibaanada birri ka qeyb gali lahaa kulanka Farmaajo, haddii uu qabsoomo.

Wixii war ah ee arrintaan ku soo kordha kala soco Bogga Waraka ee Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.