Goos Goos: Warakii ugu danbeeyay ee xaaladda dalka

Waxaa caawa ku eg muddo xileedka rasmiga ah ee Farmaajo, dhaqdhaqaaqyadii ugu xooganaa ee siyaasadda ayaana caawa ka billowday Muqdisho iyo Dhuusamareeb oo Madaxda Maamul Goboleedyadu joogaan.

Warar Keydmedia Online
Goos Goos: Warakii ugu danbeeyay ee xaaladda dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa 12-ka saq dhexe caawa magaalada Muqdisho waxaa is qabsaday dhawaqa rasaas loogu dabbaal dagayo in muddadii rasmiga ahayd ee xil-heyta ay ka dhacday Madaxweynaha waqtigiisi sharciga ahaa dhamaaday ee Farmaajo.

Dhaqdhaaqii ugu xooganaa ayay caawa magaalada Muqdisho ka wadaan xubnaha Mucaaradka ah ee ku mideysan Midowga Musharixiinta Soomaaliya.

Qeyb ka mid ah Midowga Musharixiinta aya caawa hoyga uu madaxtooyada ka dagan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kulan kula qaatay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isku dayaya in ay hakiyaan war saxaafadeed la rajeynayo in ay caawa soo saaraan Midowga Musharixiinta, qeyb ka mid ah Musharixiinta ayaana kula hadleen qadka taleefanka.

Wakiilada beesha caalamka ee C6+ iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku sugan Dhuusamareeb ayaa caawa aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka ku yeeshay kulan aan caadi ahayn, shirkaas waxaa ka maqnaa Cabdicasiis Lafta-Gareen oo Baydhabo dib ugu laabtay.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa caawa baahiyay qoraal dheer oo uu ugu magac daray “Afartii Sano ee Siyaasaddi is moog”, wuxuu si guud uga hadlay taliska Farmaajo intii uu jiray.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan  Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa ku kulmay hoyga Cali Mahdi ee Muqdisho.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo iyo Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasiin ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin ku leh madaxtooyada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.