Guddi ay hoggaaminayan Deni iyo Warsame oo maanta kulmaya

Guddigaan oo shaqadoodu tahay turxaan bixinta habraaca doorashada, ayaa ka koban Lix xubnood, oo Saddex ka mid ah ay ka socdaan Madaxda DXDF halka saddexda kalana ka socdaan GMM.

Warar Keydmedia Online
Guddi ay hoggaaminayan Deni iyo Warsame oo maanta kulmaya

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa maanta lagu wadaa in ay kulmaan guddi isku dhaf ah, oo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta Soomaaliya, u saareen xallinta khilaafka ka soo cusboonaaday habraaca doorashada Golaha shacabka, kaas oo ay maalin ka hor soo saareen Golaha Wada-tashiga qaranka.

Guddigaan oo shaqadoodu tahay turxaan bixinta habraaca doorashada, ayaa ka koban Lix xubnood, oo Saddex ka mid ah ay ka socdaan Madaxda DXDF halka saddexda kalana ka socdaan GMM.

Lixdaan xubnood, ayaa kala ah; C/raxmaan C/shakuur Warsame, Shariif Xasan Sheekh Aadan Daahir M. Geelle, Saciid Cabdullahi Deni, C/casiis Xasan Laftagareen iyo Axmed Cabi Kaariye (Qoorqoor).

Sida uu hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur, caddeeyay, guddigaan ayaa kulankooda koobaad yeelanaya Maanta, waxaana miiska saaran oo si weyn loo gordeyn doonaa qodobbo ay ka mid yihiin, soo xulidda Ergada ee odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada, muddeynta doorashada iyo kuwo kale.

Midowga Musharixiinta ayaa shalay ka soo horjeestay habraaca doorashada Aqalka Hoose ee kasoo baxay Golaha wadatashiga Qaran, iyaga oo sheegay in wixii ay ka diideen Farmaajo aysan ka aqbaleyn cid kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.