Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Guddiga Arrimaha Dibadda ee golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Soomaalya Farmaajo u baaqay inuu caddeeyo xaaladda la xariirta dhalinyaradii tababarka loo qaaday ee la sheegay in lagu laayay gudaha dalka Itoobiya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waraaq kasoo baxday guddigaan oo uu ku saxiixayahay guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Farmaajo looga codsaday inuu caddeeyo halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas.
Waraqdda ayaa lagu yiri, “Guddiga Arrimaha Dibadda ee golaha Shacabka BJFS isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee korjoogteynta hay’adaha dowladda, tixgalinayana cabashooyin kasoo gaaray waalidiin caruurtooda tababar loogu gaaday dalka Eretareeya, waxaan kaa codsaneynaa in aad noo caddayso ciidamada halkaas tababarka u jira tiradooda guud inta ay tahay iyo goorta ay kusoo noqonayaan dalkooda hooyo”.
Guddigaan ayaa sheegay in ay heleen xog sheegeysa in dhalinyaro Soomaaliyeed lagu dilay gudaha Itoobiya iyaga oo garab siinaya doowladdas, cabashooyin ayayna sheegeen in ka soo gaarayaan waalidiin fara badan oo carruurtoodu maqantahay.
“Waxaan kaa codsaneynaa in aad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday lana xiriirisid waalidiintooda, waxaan kale oo aan kaa codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dowladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba” ayaa sidoo kale lagu yiri waraaqda kasoo baxaday Guddiga Arrimaha Dibadda ee golaha Shacabka.
Tan iyo markii uu soo if-baxay warar-ka sheegaya in askar tababar loogu qaasay Eretareeya ay dowladdu u rartay Itoobiya si ay qeyb uga noqdaan dagaal halkaas ka socday, ayaa waxaa isa soo tarayay waalidka warbaahinta ka soo muuqanaya ee madaxda dowladda ka dalbana in raq iyo ruux caruurtooda meel loogu sheego.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments