Guddiga doorashada heer Federaal oo guddoomiye doortay

Guddiga doorashada heer Federaal oo guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen doortay

Warar Keydmedia Online
Guddiga doorashada heer Federaal oo guddoomiye doortay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddigii doorashada ee heer federaal ee lagu muransanaa ayaa doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, guddigan oo ku xareesnaa hotel ku yaal gudaha garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa halkaasi uga socday tababar la xiriira habka shaqada doorashada.

Guddigan ayaa waxa uu ka kooban yahay dowlad goboleedyada dalka sida Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed iyo xubnaha guddiga ee ay soo xushay dowladda dhexe, waxaana ka maqan guddigii ku matali lahaa Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo u maqan sabab la xiriirta khilaaf kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Xukuumadda uu dhawaan soo dhisay RW Rooble ayaa shaqadii ugu horreysay ee ay qabatay ka dhigtay magacaabidda guddigan oo lagu muransan yahay. Khilaafka musharaxiinta kala dhaxeeya DF awgeed waxaa laga yaabaa in iyagana ay ku dhawaaqaan guddi doorasho oo kamadax bannaan kan maanta hoggaanka sameystay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.