Guddiga doorashada oo ka kaaftoomay kuraasta Gedo

Sida uu sheegay Afhayeenka guddiga dorashada FEIT, doorashada guddoomiyaha Baalamaanka iyo Madaxweynaha ayaa loo dareeri doonaa, haddii kooramku buuxsamo iyadoo aan la dooran kuraasta taalla Garbahaarrey.

News Keydmedia Online
Guddiga doorashada oo ka kaaftoomay kuraasta Gedo

GARBAHAARREY, Soomaaliya - Afhayeenka guddiga doorashada heer-federaal, Axmed Aadan Safiina, oo ka warbixinayay xaaladda doorashada, ayaa caddeeyay in haddii la helo ugu yaraan saddex meelood labo, tirada guud ee gole walba ee Baarlamaanka Federaalka, la dooran dooran doono guddoonka baarlamanaka iyo madaxweynaha.

Isago oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey, Safiina, wuxuu sheegay in caqabadda ka jirta Gedo ay tahay shiddo siyaasadeed oo ragaadisay guud ahan doorashooyinka, wuxuuna xusay in haddii aan xal deg deg ah loo hein, uusan dalku uu luga xirnaan doonin oo hore looga socon doono.

“Guuddiga Doorashada haddii aan nahay Kooramka haddii uu inoo buuxsamo, xildhibaannadaana aan xal laga gaarin, caqabad dalka ku sii ahaan maayaan khilaafyadaasi oo horay ayaa looga sii soconayaa, doorashada Guddoonka iyo kan madaxweynahana waa la dooranayaa, haddii aan la xallin waa laga gudbayaa”. Ayuu yiri Safiina.

Sida ku cad heshiisyada doorashooyika, maamul kasta laba degaan doorasho ayuu leeyahay, Juballand, waxa ay hirgalisay inta badan kuraastii taallay Kismaayo, hayeeshee, far-galinta Farmaajo, ayaa sababtay in gobolka Gedo, uu caqabad ku noqdo guud ahaan doorashooyinka dalka.

27 May 2021, Golaha wadatashiga qaranka, ayaa go’aamiyay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu gar-wadeyn ka noqdo, Amniga iyo dib u heshiisiinta Jubbaland si ay habsami ugu dhacdo doorashada gobolka Gedo.

Xilligaas, waxaa lagu heshiiyay dhisidda guddi dib u heshsiisiin oo ka kooban maamullada dalka oo aysan ku jirin Jubbaland, si waafaqsan soo jeedin ay hore u sameyeen guddigii Farsamada ee ku shiray magaaladda Baydhabo 16-kii Febaraayo 2021.

29 June 2021, Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gedo, kaasoo ka kooban afar xubnood oo heer Wasiir dowlad goboleed oo ka kala socda Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo safar ku tagay Garbahaarey.

10 July 2021, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gaaray, ujeedka socdaalkiisu wuxuu ahaa dib u heshiisiin, hayeshee, intaas oo dadaal ah iyo in ka badan waxa ay u fashilmeen damaca Farmaajo uu ku doonayo inuu ku boobo kuraasta taalla Garbahaarrey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.