Guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa oo guddoomiye doortay

Guddiga Madaxa Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa guddoomiye iyo ku xigeen cusub iska dhex doortay.

Warar Keydmedia Online
Guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa oo guddoomiye doortay

MUQDISHO, Soomaaiya - Guddiga Madaxa Bannaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa oo dhawaan uu dhaariyay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa maanta dhaxdooda iska doortay Guddoomiye.

Jagada 1 -aad ee Guddoomiyaha oo ay u tartamayeen ilaa saddax xubnood ayaa waxaa codadkii loo qaaday ku guuleystay Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud oo helay shan cod.

Jagada 2 -aad Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ayaa waxaa iyana u tartamay saddax xubnood waxaana ku guuleystay Dr.Xasan Khaliif oo helay lix cod.

Guddigaan loogu magac daray la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa a dhaariyay Bishii April 25 -keedii, waxaana ay kusoo aadeen xilli lagu muransan yahay xil haynta madaxweynaha, iyadoo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu sharciga waddanka u yaal hareer maray, islamarkaana shaqadiisa caadiga ah u wata sidii hore, oo aanan aaminsaneen in waqtigii ka dhammaaday ayaa weli ku howlan dhaarinta, xil ka qaadista iyo magacaabista xilal cusub iyadoo lagu guda jiro marxalad kala-guur ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].