Guddigii farsamada ee Rooble magacaabay oo la shiraya Qoorqoor iyo Guudlaawe

Guddigii farsamada ee uu shalay magacaabay Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa la shiraya madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo saraakiishii gadoodka sameeyay ee kasoo horjeeday muddo kordhinta

Warar Keydmedia Online
Guddigii farsamada ee Rooble magacaabay oo la shiraya Qoorqoor iyo Guudlaawe

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddigii Farsamada ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddiga Saraakiisha Ciidamada ee ka soo horjeestay muddo kordhinta ee gadoodka sameeyay iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa ku shiraya.

Shirkan ayaa ka socda Guriga Madaxweynaha Galmudug uu ka daggan yahay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa xal u helidda arrimaha ka jira caasimadda Muqdisho, qalalaasihii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay iyo sidii is afgarad looga gaari lahaa xaalada ciidamada.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhinacyadan ay ku kulmaan si xal looga gaaro qalalaasihii ka dhashay dagaalladii magaalada Muqdisho ka dhacay dabayaaqadii bishii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.