Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Guddigii Farsamada ee ka kala socday dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaasoo uu uga billowday shir lagu wado inuu socdo maalmaha soo aaddan
BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga Farsamada ee ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaasoo maantaba shir uga bilowday, iyagoo ka arrinsanaya qodobada la isku mari la’aa ee sababta u noqday guul darradii shirkii Dhuusamareeb 4.
Waxaa xusid mudan in shirka Guddiga Farsamada ee ka furmay Baydhabo ay si dhow ula soconayaan Beesha Caalamka oo ay damaanad qaad ka noqon doonaan wixii lagu heshiiyo.
Shirkan ayaa hordhac u ah is aragti kale oo la filayo in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo horay ugu heshiin waayay arrimaha doorashooyinka dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments