Guddigii gacan-ku-rimiska ahaa iyo Daah kale oo soo food saaray

Guddigii gacan-ku-rimiska ahaa ee uu soo magacaabay Ra’iisulwasaare Rooble ayaa mar kale dib u dhac soo wajahay Hab-raacii Jadwalka doorashada ee ay soo saareen.

Warar Keydmedia Online
Guddigii gacan-ku-rimiska ahaa iyo Daah kale oo soo food saaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddigii doorashooyinka ee lagu xareeyay Hotel Decale ee magaalada Muqdisho ayaa dib udhac kale soo wajahay toddobaadkan kaddib markii la gaaray xilligii soo gudbinta musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo qorshuhu ahaa in 31-ka December lasoo gudbiyo liiska magacyada Xildhibaanada ku tartamaya Kuraasta Aqalka Sare ee loo qorsheeyay in ay soo doortaan Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboleedyada.

Dib u dhaca ku ymid hab-raacii Jadwalka doorashada ayaa lagu sifeeyay inuu yahay mid muujinaya Qorshe la’aanta guddiga iyo ku qanacsanaan la’aanta madaxda dowlad goboleedyada qasban ee ku jira gacanta Fahad Yaasiin, kana baqanaya haddii ay ka hor yimaadaan in iyaga xilkooda muran la galin doono maadaama markii horeba Xildhibaanada soo doortay laga soo xulay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Guddigan waxaa ka maqan xubnihii ku matalayay Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland kuwaasoo ka biya-diidsan hannaanka uu Farmaajo ku wado doorashada dalka, taasoo u muuqata mid uu ku doonayo in uu mar kale kusoo laabto xafiiska ugu sarreeya dalka ee Villa Somalia.

Shirkii toddobaadkan ka furmay xarunta dowlad goboleeka Puntland ee Garowe ee Madasha Aragti Wadaagga Soomaaliya ee uu soo qaban qaabiyay Machadka Heritage ayaa waxaa kasoo qeyb galayay madax ka kala socota Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe, Murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021, aqoon yahano iyo marti Sharaf kale oo lagu casuumay, waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowra oo ay kamid tahay tan doorashada dalka ka dhici doonta horraanta sanadkan cusub ee 2021.

Waxaa la qiray in ay muhiim tahay in la xalliyo khilaafka hareeyay doorasha Soomaaliya ee u dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee Saamileyda Siyaasadda Soomaalida loogu yeero, jiritaanka guddigan doorashooyinka ayaa kamida waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, iyagana waxay wataan howlahooda la xiriira doorashooyinka, inkastoo uu dib udhac ku yimid markii labaad, haddana la saadaalinayo in uu imaan doono dib udhac kale ayey u muuqataa in gadaal laga riixayo, iyadoo Fahad iyo Farmaajo ay quud darreynayaan in ay mar uun boobaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya, oo ay Farmaajo mar kale ku soo doortaan qaab lamida doorashooyinkii ku shubashada ahaa ee ka dhacay Koonfur Galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle.

KEYDMEDIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.