Askari sheegay in uu ka dambeeyay dilkii Sh. Cali Dheere

Guddi ay u magacawday dowladda federaalka Soomaaliya dilkii AUN Marxuum Sheekh Cali Dheere ayaa waxay soo saareen warbixin ku saabsan dilkaasi.

Warar Keydmedia Online
Askari sheegay in uu ka dambeeyay dilkii Sh. Cali Dheere

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddi ay DF umagacawday in ay soo baaraan dhacdadii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay soo saareen warbixin dheer oo ku saabsan dilka AUN Marxuum Sheekh Cali Dheere.

Guddiga ayaa waxay soo bandhigeen natiijada baaris lagu sameeyay kiiska dilkii Magaalada Gaallkacyo loogu geystay AUN Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jimciyadda Imaamu Nabawi ee Gobolka Mudug.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Muumin Xuseen Cabdullaahi oo guddigaas madax ka ahaa ayaa warbaahinta la hadlay waxa uuna sheegay in dilka loo geystay Sheekh Cali Dheere, kadib ay tageen goobta uu falku ka dhacay Guddi loo xil saaray dhacdadaasi oo ka socday Maxkamadda Ciidamada iyo hoggaanka baarista dambiyada ee CID -da, iyagoo halkaa utagay in ay xog-wareystaan dad marqaatiyaal ah.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in dilka Sheekha oo dhacay 17-kii May 2021 uu ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Gaalkacyo, kaasoo lagu magacaabo Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan (Hindhiso) isla markaana ay gacan ku siiyeen laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Saciid Cabdi Xidig iyo Ina baalbaal, kuwaasi oo u baxsaday dhinaca degmada Galdogob.

Guddiga ayaa ka dalbaday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland in ay iska kaashadaan sidii loo soo qaban lahaa eedeysanayaasha, waxaana loo qabtay muddo laba bil ah, iyadoo haddii lagu soo qaban waayo muddadaasna lagu ridi doono xukun iyagoo maqan.

Laamaha ammaanka ee Galmudug iyo Puntland ayaa iska kaashanaya sidii loo soo qaban lahaa eedeysanayaasha loona marsiin lahaa caddaaladda mid waliba oo iyaga kamida.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.