Guddigii Rooble magacaabay oo la kulmay AMISOM

Guddigii farsamada ee uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Rooble kuwaasoo ka shaqeeynayay howlaha la xiriira doorashooyinka ayaa la kulmay Ciidamada AMISOM

Warar Keydmedia Online
Guddigii Rooble magacaabay oo la kulmay AMISOM

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddigii farsamada ee ka shaqeynayay doorashooyinka ee uu magacaabay RW Roble ayaa kulan horudhac ah la qaatay saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamda Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasoo u diyaar garoobayay kulanka guddiga amniga qaranka ee soo socda oo uu hoggaamin doono Rooble loogana hadli doono amniga doorashada.

Heshiiskii 27-ka May 2021 lagu gaaray magaalada Muqdisho kaasoo u dhaxeeyay Ra'iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir laguna dhammeystirayay heshiiskii doorashooyinka 17 September 2020 ayaa waxaa kamid ahaa qodobadii la isku af-gartay Amniga doorashada, iyadoo mudnaan gaar ah la siiyayloona aqoonsaday tiir muhiim ah oo kamida heshiiskaasi 27-ka May lagu soo af-jaray murankii doorashooyinka.

Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay door weyn oo muuqda ka qaataan arrimaha doorashooyinka, iyadoo laga yaabo in ay isku dhacaan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa sida tooska ah uga amar qaata Agaasimaha awoodda badan ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin kaasoo ciidamo dhar-cad ah u adeegsan doona doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada qaar iyo gobolka Benaadir.

Si gaara waxaa walaac looga qabaa doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan Hirshabeelle oo uu yaallo kursiga xildhibaannimo ee Fahad Yaasiin uu u tartamayo iyo sidoo kale kuraasta gobollada Waqooyi ee Muqdisho lagu qaban doono.

Guddigan oo baryahan dambe dhaqdhaqaayadooda sii kordhayo ayaa dhammaantood lagu eedeynayaa in ay yihiin xubno si toosa ugu xiran madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, iyadoo weliba qaar iyaga kamida la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxda ololaha doorashada Farmaajo oo ka shaqeyneysa sidii uu kusoo laaban lahaa afar sano oo kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.