Guddigii Rooble magacaabay oo la kulmay Q.M.

Guddigii RW Rooble ee turxaanbixitan xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa la kulmay saraakiil ka socota xafiiska Qaramada Midoobay

Warar Keydmedia Online
Guddigii Rooble magacaabay oo la kulmay Q.M.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddigi farsamada ee arrimaha doorashooyinka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socota xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan doorashooyinka.

Guddiga ayaa kooxda Qaramada Midoobay kala hadlay isku-duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda.

Arrinta ugu weyn ee u baahan in la hirgaliyo ayaa ah qodobadii madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay heshiiska uga gaareen doorashada dalka ka dhaceysa, taasoo Ra'iisul Wasaare uu dusha saartay dhaqan gelinteeda.

Xubnaha ayaa horay u qaaday tallaabadii ugu horreysay iyagoo 35 ruux oo ka tirsanaa guddigii doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay meesha ka saareen kuwaasoo sida la rumeysan yahay lagu helay eedeymihii loo soo jeediyay ee ahaa in guddiga aysan dhexdhexaad ahayn, kana tirsan yihiin xafiisyada Madaxtooyada, kan Ra'iisul Wasaaraha iyo NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.