Guddii doorashooyinka oo si rasmi ah loo kala diray

Guddigii doorashooyinka lagu muransanaa ee muddada lixda bilood ku xareysnaa Hotel Decale ayaa caawa looga yeeray Villa Somalia, iyagoo lagu war galiyay in lakala diri doono.

Warar Keydmedia Online
Guddii doorashooyinka oo si rasmi ah loo kala diray

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Khadar Mahdi Guuleed ayaa kulan afur ah la yeeshay xubnihii guddiyadii doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo guddiga Khilaafaadka ee lagu muransanaa, Mahdi ayaa umahad celiyay xubnaha dhallinyarada oo markii horeba laga soo kala aruuriyay xafiisyada Ra'iisulwasaaraha, Madaxtooyada iyo kan NISA.

Guddigan ayaa lagu wargeliyay hoteelada iyo guryihii ay deganaayeen in  ay ugu egtahay 25 -ka bishan. Waxaana loo sheegay in ay ka guuraan goobaha la dejiyay oo ay ka mid ahaayeen hoteel ku dhow garoonka diyaaradaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in qorshihii doorashada ee guddigan loo dhisay la baajiyay kaddib markii Golaha Shacabka BJFS uu muddo kordhin usameeyay hay'adaha dowladda, waxaana sidaas lagu laalay qorshihii doorashadii lagu heshiiyay 17 -ka September ee Doorashada Dadban.

Beesha Caalamka ayaa ka hor timid tallaabadan muddo kororsiga ah taasoo weli madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uu ku fars-adeegayo, waxaana ka go'an in muddo laba sano ah uu kursiga iyo talada dalkaba sii maamulo!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].