Cabdi Xaashi oo hanjabaad u diray RW Rooble

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo hanjabaad u diray RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ka biya diiday dalab uu shalay u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xusen Rooble, oo ahaa in labada garab ee ay kala hoggaamiyaan Xaashi iyo Guuleed ay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ku wareejiyaan guud ahaan gacan ku haynta doorashada Gobollada waqooyi.

War ka so baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa lagu yiri, “Kulankeenni shalay oo ay taariikhdu ahayd 1-da Agoosto 2021, waxaad nooga dalbatay in aan kuugu wareejinno talada iy maamulka doorashada kuraasta xildhibaannada labada gole ee ka soo jeeda Soomaaliland, Golaha Siyaasiyiinta Somaliland wuxuu kugu wargelinaya in aan masiir umadeed la wareejin karin ee ay dadka reer Waqooyi xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iyo hubinta madax-banaanida doorashada 57-da kursi ee ay leeyihiin labada gole,”

Cabdi Xaashi wuxuu soo jeediyay in saga iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Guuleed noqdaan hoggaan wadajir ah oo maamula doorashada gbollada Waqooyi.

Wuxuu ku taliyay in labada garab si caddaalad ah loogu qeybiyo guddoonka guddiga, iyadoo dhinac la siinayo guddoomiyaga guddiga halka dhinaca kalana la siinayo guddoomiye ku xigeynka.

Wuxuu ku baaqay in doorashada kuraasta Soomaaliland, lagu qabto hankarka ciidanka cirka, (Teendhada Afisyooyin) isla markaana ay ilaaliyaan ciidanka Booliska iyo AMISOM.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inuu magacaabo guddi madaxbannaan oo labada dhinac ku wada qanci karaan, si xal kama danbays ah loogu helo arrimaha muranku ka taagan yahay.

Ugu danbayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay hadal u muuqda hanjabaad uu u dirayo Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta, wuxuu yiri, “Mudane Ra’iisul Wasaare haddii aad qaadato go’aan aad ku raalli galineyso hal dhinac, waxaan kuu xaqiijineynaa in aan inaguna qaadan doonno go’aan aan kaga tashaneyno aayaha dadka aan matalno iyo madax-bannaanida doorashooyinka".

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.