Guddoomiyaha Aqalka Sare oo taageeray Go’aanka Puntland

Guddoomiyaha Aqalka Sare,  Sanatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa soo dhoweeyay shirka wada-tashiga qaran ee Farmaajo ku baaqay kaas oo dhacaya 15-ka bishaan wuxuu taageeray soo jeedintii Maamulka Puntland ee ahayd in shirka lagu qabto magaalada  Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo taageeray Go’aanka Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya - Sanatar Cabdi Xaashi ayaa sheegay dhamadka waqtigii hay’adaha dowladda iyadoo aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka isla markaana aysan Saamileyda siyaasaddu ka qeyb galin wada-hadalladii hore ay sababtay Jaha-wareer siyaasadeed uu dalku galay.

"Waxaan soo dhaweynayaa soo jeedinta Dowlad Gobaleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15-ka Feebaraayo 2021 uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayna kaoo qeyb galaan Saamileyda Siyaasadda iyo Bulshada Rayidka, kur joogtana ay ka haato Beesha caalamka si looga arrin sano badbaadada dalka”. Auu yiri Sanatar Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale ku baaqay in la wada ilaaliyo amniga iyo xasiilloonida dalka, wuxuu yiri, “Waxaan ku baaqayaa in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka lagana fogaado wax walba oo qalalaaso ku keeni kara nabad galyada iyo xasilloonida dalka”.

Ugu danbeyn Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu taageerayo go’aan walba oo lagu badbaadinayo dalka oo ka soo baxa Musharaxiinta Madaxweynaha, Dowlad Goboleedyada, Bulshada Rayadka iyo Beesha Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.