Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dil ka badbaaday

Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdixakiin Dhaga-juun ayaa ka badbaaday qarax lala eegtay xilli uu marayay meel u dhaw Xerada Afisiyooni.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dil ka badbaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun ayaa caawa ka badbaaday qarax lala eegtay gaarigii uu saarnaa xilli uu marayay meel u dhaw xerada Afisiyooni ee degmada Waaberi.

Macluumaad naga soo gaaraya ilo wareedyo ku dhaw dhaw guddoomiyaha ayaa waxay sheegayaan in uu dhaawac fudud soo gaaray guddoomiyaha, waxaana goobta ku geeriyooday laba kamida ilaalada guddoomiyaha.

Waxaa burburay gaarigii uu qaraxu qabsaday ee gudduumiye Cabdixakiin, goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamada ammaanka oo xiray halka uu qaraxu ka dhacay, sidoo kale waxaa soo gaaray gawaarida gurmadka  si ay dhaawaca uga qaadaan goobta.

Wixii wara ee kusoo kordha qaraxan dib ayaan idinkala wadaagi doonnaa hadduu eebbe raalli ka noqdo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.