Guddoomiyaha FEIT oo shaqada ka raacdeeyay Xiirane

Cabdiraxiin Xiirane, ayaa xilka Xoghayaha Guud ee Guddiga FEIT loo magaxaabay 14 bishii Febraayo ee sanadkan 2022, wuxuuna guddiga ka soo galay dhanka Maamulka Koofur galbeed, wuxuuna ku shaqeynayay amarrada Laftagareen iyo eedeysane Fahad Yaasin.

News Keydmedia Online
Guddoomiyaha FEIT oo shaqada ka raacdeeyay Xiirane

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yusuf, ayaa shaqada ka raacdeeyay, Xoghayihii Guud ee FEIT, Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan (Xiirane) oo ka mid ahaa xubnihii Fahad Yaasiin ku daray Guddiga doorashooyinka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guuddomiyaha Guddiga heer Federaal, Geelle, ayaa lagu sheeegay in Xiirane, ka waantoobi waayay waraaqo aysan waxba kala socon Guddoonka Guddiga, isla-markaana carqalad ku ah, dhameystirka hannaanka doorashooyinka dalka.

Xoghayaha shaqada laga eryay ee Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan, wuxuu xalay soo saaray, waraaq ka dhan ah, go’aanka uu Guddiga Doorashooyinku ku shaaciyay natiijada rasmiga ah ee xildhibaannada ilaa haddala la doortay, wuxuu isku dayay inuu difaaco Fahad.

Cabdiraxiin Xiirane, ayaa xilka Xoghayaha Guud ee Guddiga FEIT loo magaxaabay 14 bishii Febraayo ee sanadkan 2022, wuxuuna guddiga ka soo galay dhanka Maamulka Koofur galbeed, wuxuuna ku shaqeynayay amarrada Laftagareen iyo eedeysane Fahad Yaasin.

Xiirane, wuxuu ahaa musharixii Gelle, kula tartamay, doorashadii guddoomiya Guddiga heer Federal, markaas oo looga adkaaday saddex cod, isagoo la yimid 11 cod, halka Gelle, keensaday 14 cod, waxa ay kula daaban yihiin Rooble iyo Farmaajo.

Sida muuqata waxaa durba billowday, khilaaf hor leh, xili ay kaliya 13 maalin ka harsan tahay waqtigii loo qorsheeyay in la dhaariyo xildhibaannada baarlamaanka 11-ad ee JFS, si ay doortaan Gudoonnada Golayaasha, [Aqallada sare iyo hose].

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.