Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay in ay ku soo xad-gudubtay xudduudka Soomaaliya.
HIIRAAN, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hiiraan Jeyte, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay calankeeda ka taagtay deegaanno ka tirsan Gobolka, isagoo caddeeyay in 16-KM ay gudaha xadka usoo galeen.
“Tuulada Abaalay 16-KM iyo bar ayeey ku jirta gudaha Soomaaliya, calanka Itoobiya ayaana ka tagan ka taagan , Ma garan karno sababta looga taagay,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Jeyte, wuxuu sheegay in ay arintaan kala hadleen madaxda ismaamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, islamarkaana ay ka warqabaan dhibaatada taagan, hayeshee ay dhagaha ka fureysanayaan.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya in Ciidamadeeda kasoo gudbaya Xuduudka ay ceshato. “War hala xishoodo, Ciidamada sida sharci darada ah u soo galaya xuduudaha iyo dhulka aan mas’uulka ka nahayn indhaha kama qabsan doono haddii aysan naga xishoon," ayuu yiri Jeyte.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments