Cali Jeyte oo hor istaagay doorashada Baladweyene

Sida ay Keydmedia Online, u sheegeen howl-wadeenno, ka tirsan, xaafiiska, Cali Guudlaaw, Madaxweyne k xigeynka Hirshabeelle, Yuusuf Dabgeed, ayaa gadaal ka riiya Guddoomiye Jeyte, kaas oo doonaya in qaar ka mid ah kuraasta Hiiraan loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

News Keydmedia Online
Cali Jeyte oo hor istaagay doorashada Baladweyene

BALADWEYNE, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo, doorashada afar kursi, oo maanta, la filayay in ay ka qabsoonto magaalada Baladweyene ee xarunta gobolka Hiraan.

Doorashada Kuraasta HOP#004, HOP#011, HOP#063 iyo HOP#135, ayaa maanta loo ballansanaa, sida ay Gudgiga doorashada Hirshabeelle SEIT, iclaamiyeen Sabtigii, hayeeshee, sida muuqata is baddel ayaa ku yimid jadwalkii hore.

Xalay xilli danbe, Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle, waxa ay baahiyeen, in la diiwaan-geliyay guddiga xulista ergada iyo murashaxiintii u tartamaysa kursiga HOP#004, oo uu hore ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim [QOONE].

Guddigu, waxa ay sheegeen in kursigaan doorashadiisu dhacayso maanta, [14/03/2022], halka aan saddexda kale lasoo hadal qaadin, waxaana markaas, wixii ka danbeeyay la faafiyay, waraaqda uu doorashooyinka ku joojinayo, Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, wuxuu sheegay in amni darro ka jirto xarumaha doorashooyinka iyo magaalada gudaheeda, uu u hakiyay doorashada maanta, isagoo xusay, inuu helay xogo ku saabsan in la cargaladeeyn rabo doorashada maanta.

Markaan aragnay waxii manta ka dhacay xarunta u asteeysan doorshada ee Lama-galaay, waxaan soo saaray amar ah in la hakiyo doorashada dibna loo dhigo ilaa laga xaqiijinayo amniga, laguna soo celinayo xaalada sidii caadiga ahaayd. Ayuu yiri Jeyte.

Sida ay Keydmedia Online, u sheegeen howl-wadeenno, ka tirsan, xaafiiska Cali Guudlaawe, Madaxweyne k xigeynka Hirshabeelle, Yuusuf Dabgeed, ayaa gadaal ka riiya Guddoomiye Jeyte, kaas oo doonaya in qaar ka mid ah kuraasta Hiiraan loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Wararku, waxa ay tibaaxayaan, inuu mar kale qarxay, khilaaf xooggan oo u dhaxeeya, Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe iyo Madaxweyne ku xigeynkiisa Yuusuf Dabageed, kadib kala aragti duwanaan ku saabsan doorashada afarta kursi.

Dabgeed, wuxuu ka soo hor jeedaa in ay soo laabtaan, Wasiirkii hore ee amniga, Cabdirisaq Cumar Maxamed, Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre iyo Xildhibaan, Aamina Maxamed Cabdi, oo lagu xasuusto u doodiddii qoyska Ikraan Tahlii.

Dabageed, dhawaan wareysi uu bixiyay, wuxuu ku beeniyay, jiritaanka khilaafkha, wuxuuna wax kama jiraan ku tilmaamay, inuu u bira-tumayo boobka kuraasta, hayeeshee, waxaa marba marka ka danbeeyay sii xoogeysanaya khilaafka isaga iyo Guudlaawe.

Yuusuf Dabageed, wuxuu hore u sheegay in kuraasta taalla Baladweyne, ay kaliya ku soo bixi doonaan, shaqsiyaad uu isago oggol yahay, taas oo hore loogu fasirtay, inuu hor istaagi doono xubnaha mucaaradka ku ahaa Farmaaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.