Guddoomiyahii gobolka Bakool oo xilka laga qaaday

Mas'uulka cusub ee xilkan loo dhiibay ayaa looga fadhiyaa wax ka qabashada dhibaatada ka taagan gobolkaas.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiyahii gobolka Bakool oo xilka laga qaaday

Madaxweyaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in soo jeedin ay uga timid wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkiisa, taasi oo keenta in mudane Tool xilka laga qaado, waxaana xilkaasi loo magacaabay Shiine Macali Nuurow.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.