Cabdi Xaashi oo soo gudbiyay xubnihii guddiyada doorashada

Guddomiyaha golaha Aqalka Sare BJFS Senator Cabdi Xaashi ayaa soo gudbiyay magacyada xubnaha guddiyada doorashooyinka gobollada waqooyi

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo soo gudbiyay xubnihii guddiyada doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u soo gudbiyay magacaabista xubnihii laga sugayay ee Guddiyada Doorashooyinka Kuraasta gobollada waqooyi.

Xubnaha ayaa kala ah Sudan:

Guddiga doorashooyinka oo ka kooban shan xubnood kuwaasoo kala ah:

  1. Cabdishakuur Daa'uud Maxame
  2. Suleymaan Caydiid Cismaan.
  3. Cabdishakuur Abiib Xayir
  4. Maxamed Cali Cabdillaahi
  5. Jaamac Cumar Cali.

Guddiga xallinta khilaafaadka oo ka kooban hal ruux:

  1. Maxamed Ciise Haybe

Xubnaha harsan ee gobollada waqooyi waxaa soo magacaabi doona Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.