Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Xamar-Jajab

Wareegto xafiiska guddoomiyaha Gobolka ayaa Maxamed Cabdi Axmed loogu magacaabay guddoomiyaah cusub ee degmada Xamar-Jajab. 

Warar Keydmedia Online
Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Xamar-Jajab

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed 'Cumar Filish' ayaa Maxamed Cabdi Axmed (Xeyle) u magacaabay guddoomiyaha cusub degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Kursiga guddoomiyaha degmada Xamar Jajab oo ay horay u diiday Beesha Kabaale ee Abgaal, waxaa mar kale lagu soo celiyay Beesha Direed gaar ahaan Jufada Biyomaal oo laga soo wareejiyay degmada Shibis.

Arintaan ayaa ku soo aadeyso xilli Beesha Dir Biyomaal ay ka biyo diiday in Cumar Filish uu xilka ay gobolka Banaadir ku leedahay ka saaro, iyadoona wada hadal kadib dib loogu soo celiyo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.