NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Kulankaan ayaa u muuqday mid Mursal looga dhaadhicinayo rabitaanka mucaaradka.
Waxaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal maanta ku kulmay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxman iyo madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Mas'uuliyiintan ayaa ka wadahadlay arrimaha ku aaddan doorashooyinka iyo sidoo kale sidii loo qaban lahaa doorasho lagu wada qanacsan yahay.
Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Xasan Sheekh in shaqsi ahaan uu aad u rajeynayo in la qabto doorasho ay saamileyda siyaasadeed ku wada qanacsan yihiin.
Labadan mas'uul ayaa magaalada Garoowe kaga qeybgalaya Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, kaasi oo shalay halkaasi ka furmay.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya siyaasiyiin isugu jira mucaarad, muxaafid iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments