Mursal iyo Jawaari oo kulmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Warar Keydmedia Online
Mursal iyo Jawaari oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore we Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyay hoygiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, madaxweynihii ugu hirreeyay KGS wasiiro iyo siyaasiyiin ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.

Kulankan qadada ayaa ku yimid kulamo iyo wadatashiyo si gaar-gaar ah u yeesheen Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta horay xilalka u soo qabtay, waxaana uu ahaa mid looga hadlay siyaasadda guud ee dalka, masiirka deegaanada ay ka soo jeedaan iyo sidii mad madowga siyaasadeed ee dhexdooda meesha looga saari lahaa, marxalada hadda lagu jirana looga gudbi lahaa isku duubni iyo midnimo.

Labada mas'uul ee Golaha Shacabka ku kala wareegay ayaa kulankoodii ugu horreeyay oo qado sharaf ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.