Guddoomiye Mursal oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Qatar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka socday dowladda Qatar ee soo gaaray maanta magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Guddoomiye Mursal oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Qatar

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Qatar oo saaxiib dhaw la ah madaxda dowladda Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha kulanka looga hadlay.

Guddoomiye Mursal ayaa yiri "Waxa Maanta Xafiiskeyga ku qaabilay wefdi ka socday dowlada Qatar, wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey ergayga gaarka ah ee dowlada Qatar Dr. Mutlaq A-Qahtani, Waxana kawada hadalnay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood, arrimaha doorashooyinka si gaar ah go'aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020."

Dowladda Qatar ayaa lagu xantaa in ay xiriir dhaw oo saaxiibtinimo ay leeyihiin madaxda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Agaasimaha hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo, waxaana dowladda Qatar ay u xusul duubeysaa sidii mar kale Farmaajo uu kusoo laaban lahaa iyadoo kala shaqeenysa dhinacyo badan oo ay aaminsan yihiin inuu ku soo bixi karo Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].